MAAHMAAHYO SOOMAALIYEED PDF

Aan wada hadalno waa aan heshiino. Aar qoyey dacawo la mood. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.

Author:Vigis Tojajas
Country:Mauritania
Language:English (Spanish)
Genre:Politics
Published (Last):22 June 2005
Pages:57
PDF File Size:2.56 Mb
ePub File Size:7.43 Mb
ISBN:734-2-21239-998-4
Downloads:89879
Price:Free* [*Free Regsitration Required]
Uploader:Akigar



Aadmi la aragyaaba, dhib la arag. Aan wada hadalno waa aan heshiino. Aar qoyey dacawo la mood. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.

Adduun i khatal. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo. Adhi jiri ma kala abaal waydo. Adhi jiri xil bay wadaagtaa. Adhi magantii ma barriiyo. Adhi shidho laga daayo. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari. Aduun wey kii amoodeey ogaaw.

Af aamusani marti ma sedo. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho. Af aanad lahayn lama qabto. Af Daboolan, Dahab waaye. Af hadlaaba aamus. Af jabtay sideedii ma noqoto.

Af jooga looma adeego. Af macaan gacan macaan baa dhaanta. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa. Af waa kane, maxaa lagu aamaa Af wax cunay xishoo. Afar gacmood abaar ka daran Hunguri weyni waa cudur. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan. Af-ka nool abooto mudac. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa. Afkii dab yiri ma guban. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.

Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro. Alla aamin ma iisho. Alle watow wehel uma baahna. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay. Ammaan lama dhu-dhumiyo.

Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha. Aqal libaax lafo lagam waayo. Aqoon xumo abaar ka daran qorsho xumo abaar ka daran Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh. Aroos lagama raago, lagumana raago. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino Arrimo rag waa mudacyo afkood.

Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday. Arrin xumo abaar ka daran Atoorku intiisuu guun ku yahay. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.

Ayax teg eedna reeb Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi. Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa 2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur. Baddu waa isku dhadhan. Badhi mag ma laha.

Balaayo laba qad ma leh 7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha. Balaayo buulkaagaa laga galaa. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.

Ballaysin bir ka adag. Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa. Barasho horteed dad ha nicin Barasho horteed ha i nicin Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.

Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan. Barrooriba buulkeeday ku hartaa. Bartii yaqaan, bari uma korodho. Bartii yaqaan bar xoolaad kuma korodho. Baruur qudhuntay baa baruuro qudhmisa. Baruuro sabool, badhaadhaa leh. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa. Baryo iyo is daluuc layskuma daro. Basari buulkeeda bayaayo waaye Baso waa baso si kastoo loo subko. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.

BUNGSGRAMMATIK FR DIE GRUNDSTUFE PDF

955 Maahmaahyo Oo Laga Soo Min Guurinay Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed, Baro Oo Isticmaal!

.

ELCHURI AYURVEDA BOOKS TELUGU PDF

Maah maahyo soomaaliyeed oo 70 gaaraayo

.

Related Articles